Garowe(pp) Dr.Yaasiin Faarax Cartan oo ka mid ahaa raggii isku soo taagay xilka madaxtinimadda Puntland ayaa caawa magalada Garowe kaga dhawaaqay inuu isaga haray guud ahaanba ka qayb galkeeda.
Waxa uu sheegay Cartan inuu saluugay habka loosoo xulay baarlamaanka cusub ee Puntland,sidaasi darteedna uu isaga haray inuu ka qayb galo tartankaasi.
Isagoo arrinta doorashada ka hadlaya ayuu sheegay inuu jiro musuq-maasuq saamayn ku yeelan kara doorashada,Dr.Yaasiin Cartan ayaa sheegay inuu qaadacay doorashada 8-Janaayo dhici doonta.
Siyaasigaan ayaa ka mid ahaa Jamhadii SSDF,wuxuna sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay allaha u naxariistii mamulkii uu hogaaminayay Cabdilaahi Yuusuf Axmed,1998-dii.
Dhinaca kale magalada Garowe xarunta Puntland ayaa caawa si wayn looga dareemayaa olalaha ay wadaan murashaxiinta,labada murashax ee kala ah Cabdilaahi Siciid Samater iyo Cabdiwali Cali Gaas ayaa kulamo la qaatay xildhibaanada cusub.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe