Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Nairobia: Cali Maxamed Geedi oo Puntlnad ku tilmaamay hormuudka nidaamka federaalka

$
0
0

Nairobia(pp) Ra’iisulwasaarihii hore ee Somali Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay dowladda Puntland inay hormuud aan la qarin karin u tahay nidaamka federaalka ee la doonayo in laga hirgaliyo gobalada wadanka,wuxuna sheegay inay muhiim tahay in nidaamkaasi gobalada oo dhan la wada gaarsiiyo.

GeediSiyaasi Cali Maxamed Geedi ayaa ammaan iyo bogaadin usoo jeediyay baarlamaanka cusub,wuxuna sheegay afhayeenka Gollaha wakiiladda Puntland mudane Siciid Xasan Shire inuu aqoon u lee yahay,isla markasna karti iyo awood badan uu u lee yahay inuu ku guulaysto howlaha loo igmaday.

Prof.Geedi ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay doorashada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka Puntland inay ku dhacdo si nabad ah oo lagu wada kalsoon yahay,wuxuna hadalkaan sheegay xili uu waraysi siinayay Radio Barkulan.

Geedi ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida aadka ah uga soo horjeeda dowladda uu hoggaaminayo madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud,wuxuna ku eedeeyay marar badan inay wax badan oo la qaban lahaa ka gaabisay.

Puntlandpost.com
Xafiiska Nairobia


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>