Garowe(pp) Waa su’aal dad badani ay is waydiinayaan inay hellaan jawaabteeda uu hufan”Lacagta laga qaadayo murashaxiinta xagee ku dhacaysaa”?.waxaa arrintaas iyo kuwo kale oo la xariira halka ay marayso qabashada codsiyada murashaxiinta ka waramaya gudoomiyaha guddiga doorashada ee KMG ah Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad.
Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe ayaa sheegay lacagta looga qaadayo murashaxiinta is-diiwaan galinta inay ku dhici doono bankiga dhexe ee dowladda Puntland ayna ka mid noqon doono dhaqaalaha umadda loogu addeego.
Saadiq Abshir ayaa sidoo kale sheegay sababta keentay in la kordhiyo lacagta is-diiwaan galinta inay tahay maadama ay tiro bateen murashaxiinta in lagu kala saaro cida iska bixin karta lacagta intaasi leeg iyo cida aan iska bixin karin,taasoo saacadaha soo socda kala saari doono murashaxiinta isku soo taagay xilka madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa.
Docda kale gudoomiyaha guddiga doorashada KMG ah ee Puntland ayaa sheegay ilaa galabta inay qabteen codsiyo badan oo dhanka murashaxiinta ka imaanayay,ayna ku rajo wayn yihiin inay howsho soo dhamaado maalinta isniinta galinkeeda danbe,si saacadaha harsan loo gudo galo kala shaandhaynta codsiyada.
Fariin ayuu u diray murashaxiinta tartamaysa,wuxuna sheegay inay muhiim tahay in la aamino waxyaabaha kasoo baxa doorashada.allena lagu kolsoonaado,sidoo kale shacabka ayuu u sheegay inay muhiim tahay jiritaanka Puntland iyo ilaalinta amniga ayna la shaqeeyaan madaxwaynaha la dooran doono.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe