Garowe(pp) Taliyaha Ciidanka difaaca ahna hoggaamiyaha howlgalka amniga xiliga doorashadda ayaa maanta saxaafada u sheegay inay baaritaan adag ku wadaan qaabkii ay u dhacday falkii uu sheegay Murashax Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yeey in lagu soo weeraray xili uu marayay agagaarka xarunta UN-ka.
Siciid Dheera oo shir jaraa’id Garowe ku qabtay ayaa arrintaasi faah faahiyay,wuxuna sheegay saacadaha soo socda inay warbaahinta usoo bandhigi doonan falkii Murashax Yeey ee uu ku tilmaamay in isaga lagu soo weeraray.
Taliye Siciid waxa uu beeniyay weerarkii uu sheegtay in lagu soo qaaday habeen hore Murashax Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah ragga u taagan xilka madaxwaynaha,ahna afhayeenka murashaxiinta.
Waxa uu sheegay arintaasi baaritaan ay ku sameeyeen inay ogaadeen in saddex kamid ah ilaalada Cali Xaaji ay xabad ku rideen ciidan roondo kawaday goob ku dhow guriga murashaxa,ayna xogtaasi ka helaan dad goobjoogayaal ah.
Murashax Cali Xaaji oo saxafada la hadlayay ayaa sheegtay inuu ahaa weerar isaga loola damacsanaa,ayna ka danbeeyeen dowladda,taasoo keentay in si wayn magalada Garowe looga hadal hayo.
Dhinaca kale murashaxiinta ayaa maanta kulan xasaasi ah waxay ku yeesheen guriga Maxamed Cabdinuur kaasoo oo aan ilaa iyo hadda la ogayn waxa kasoo baxay.
Mobil ahaan u dhagayso-Generaal Siciid Dheera oo ka hadlay labadii dhacdo ee Garowe ka dhacay
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe