Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Garowe:Taliyaha howlgalka xiliga doorashadda Puntland oo sheegay in loo gudbay waji labaad(Sawirro&dhagaysi)

$
0
0

Garowe(pp) Shir ay maanta ku qaateen xarunta wasaradda amniga Dowladda Puntland ee magalada garowe Gudoomiyaha guddiga howlgalka xiliga doorashadda iyo dhamaan saraakiisha ammaanka ayaa ugu danbayntii waxaa saxafada uga war dhiibay Taliyaha ciidanka difaaca ahna sarkaalka howlgalka amniga doorashadda hoggaaminay.

Gen-Siciid Dheere
General Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa sheegay shirkan jaraa’id ee uu qabtay inuu yahay mid uu kaga war bixinayo xaaladihii ugu danbeeyay ee dhanka ammaanka iyo waxyaabaha kasoo baxay.
Waxa uu sheegay Siciid Dheere wajiga hore ee howlgalka ammaanka xiliga doorashadda inuu ahaa soo dhawaynta murashaxiinta imaanaya magalada Garowe,adkaynta meelaha ay degayaan ammaankooda,wuxuna sheegay hadda inay gudo galayaan wajiga labaad oo ah mid ka duwan kii hore.

shirka2
Xaafadaha magalada Garowe ayuu sheegay Taliye Siciid Dheere inay ka samayn doonan saldhigyo ciidan si amniga loo adkeeyo,wuxuna hadalkiisa ku daray inay adkayn doonan ammaanka aqalka baarlamaanka oo uu shirku ka dhacayo.
Taliyaha ciidanka Difaaca Puntland ayaa sheegay wada shaqayn toos ah inay lee yihiin murashaxiinta,taasna ay keentay in ammaanka si wayn loo adkeeyo,wuxuna shacabka iyo cid kasta oo masuul ah ugu baaqay inay dhankooda ammaanka ka shaqeeyaan.

shirla3
Warkan kasoo baxay Taliyaha howlgalka ciidanka xiliga doorashadda ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili uu wali taagan yahay khilaafkii u dhaxeeyay madaxda dowladda iyo murashaxiinta,kaasoo si wayn looga dareemayo magalada Garowe.

 

 

Mobil ahaan u dhagayso-Taliyaha howlgaladda ciidanka xiliga doorashadda
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>