Garowe(pp) Wararka aanu ka helayno kulamadii maalmihii ugu danbeeyay murashaxiintu ku lahaayeen magalada Garowe ayaa sheegaya ugu danbayntii inay aqbaleen jiritaanka guddiga xalinta khilaafaadka ee uu magacaabay madaxwayne Cabdi-Raxmaan Farole.
Waxaa lagu soo waramayaa xalay inay howsha ay dhameeyeen isimadda Puntland oo yaguna kulamo kala duwan ku lahaa magalada,waxana la isku raacay guddigaasi inuu yahay kan sharciga ah ee shaqaynaya.
Balse murashaxiinta ayaa sharuud adag dabo dhigay,waxayna sheegeen inay muhiim tahay helitaanka guddi Isimo ah oo dabo galla howsha ay guddiga xalinta khilaafaadka gacanta ku hayaan.
Inkastoo warkaan aan saxaafadda loo baahin haddana wararka hoose ayaa sheegaya in la dhameeyay arrintii la isku hayay.
Wixii kasoo baxa kala soco wararka danbe