Garowe(PP): Waxaa maanta culimada Puntland lasoo gaarsiiyay deeq lacag ah oo katimi shacabka gobalka Banaadir, taasi oo ay ugu talagaleen in lagaarsiiyo dadkii ay dhibaatadu kasoo gaartay duufaantii ku dhufatay deegaano kamid ah Pl.
Deeqdaan Lacagta ah ayaa waxa ay tiradeedu dhantahay 200,000$ waxaana wada masuuliyiin kasocota dowlada federaalka ee Soomaliya.
Munaasabada lacagtani loogu wareejinayo culimada ayaa saalada duhur kadib lagu qabanayaa Hotelka Rugsan ee magaalada Garowe, waxaana lafilayaa inay kaqaybgalan munasabada masuuliyiin katirsan Puntland.
Faah Faahin iyo sawirro goor dhow naga fisha, hadii alle qadaro.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe