Garowe(pp) Wararkii ugu danbeeyay ee aanu ka helayno kulanka uu la qaatay Siyaasi Nuuradiin Aadan Diiriye qaar ka mid ah murashaxiinta ayaa sheegaya inuu kusoo dhamaaday si wanaagsan oo rajo laga qabo in hor dhac u noqdo kulamo kale oo ay wada yeeshaan murashaxiinta iyo madaxda Puntland.
Nuuradiin Aadan Diiriye oo ka socdey xafiiska Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholas Kay ayaa shan murashax uu la kulmay mid mid ugu tagay guryahooda,wuxuna kala hadlay arrimaha doorashada iyo qodobka la isku diidan yahay ee guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka cusub.
Murashaxiinta uu la kulmay Nuuradiin Aadan Diiriye waxaa ka mid ah Murashax Maxamed Cabdinuur Xirsi Dhagawayne,isagoo waraysi gaar ah siiyay Puntlandpost xafiiska Garowe ayuu sheegay inuu xaqiiqo yahay kulanka Mudane Diiriye,wuxuna sheegay inay ka wada hadleen arrimaha doorashada iyo tan la isku hayo ee guddiga,wuxuna masuulkaasi noo xaqiijiyay inay socdaan dadaalo xoogan oo lagu soo afjarayo arrimaha la is oran karo caqabad way ku noqon karaan doorashadda madaxtinimadda Puntland.
Maxamed Cabdinuur ayaa sheegay inay ku rajo wayn yihiin dhamaan murashaxiinta howsha socota inay ku dhamaato is-afgarad iyo wada hadal hufan,wuxuna sheegay inay mar kale kulmi doonan madaxwaynaha Puntland ahna murashax mar kale xilka u tartamaya.
Nuuradiin ayaa sida way wararku nagu soo gaarayaan la kulman murashaxiinta kala ah.
1.Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
2.Cali Xaaji Warsame.
3.Shire Xaaji Faarax.
4.Cali Cabdi Awaare.
5.Maxamed Cabdinuur Xirsi.
Tan iyo markii lagu kala kacay shirkii madaxtooyadda shalay ka qabsoomay ayaa waxaa soo baxaya warar kala duwan oo diiradda saaraya meesha ay sartu ka quran san tahay,dad siyaasiyiin ah oo usoo joogay doorashooyinkii hore ee Puntland ka dhacay ayaa sheegaya inay sharci tahay guddiga xalinta khilaafaadka inuu soo magacaabo madaxwaynaha Puntland,cidii ka hor timaadana ay dano kale lee yihiin.
Murashaxiinta iyo kulamadooda.
Murashaxiinta ayaa wali yeelanaya kulamo kala duwan oo dhamaantood looga arrinsanayo doorashada iyo xaaladeeda,waxana soo dhow xiligii ay murashaxiinta ku kala tartami lahaayeen codadka xildhibaanadda cusub ee aqalka gollaha wakiiladda imaan doona.
Balse murashaxiinta ayaa ilaa iyo hadda ka biyo diidsan shaqadda uu wado guddiga xalinta khilaafaadka ee uu Farole magacaabay.
Guddiga xalinta iyo howshu halkay u marayso.
Guddiga xalinta khilaafaadka ee uu magacaabay Cabdi-Raxmaan Farole ayaa wali ku guda jira howsha loo igmaday,warar ay heshay Puntlandpost ayaa sheegaya tiradda xildhibaanadda codsiga soo dhiibtay inay ka badan yihiin shan boqol oo qof,balse ugu danbayntii laga soo saari doono inta sharciga ah.
Afhayeenka guddiga xalinta khilaafaadka oo saxafada la hadlay mar sii horaysay ayaa sheegay shan iyo tobanka bishaan aanu ku guda jirno ay ku egtahay qabashada warqadaha xildhibaanimada,wixii xiligaasi ka danbeenaya la gali doono kala xulistooda,waxaase laga war hayn halka ay howli u marayso guddigaasi.
Isimadda iyo imaatinkooda Garowe.
Isimadda Puntland oo badankooda hadda ku sugan magalada Garowe ayaa maalmihii ugu danbeeyay waday shirar kala duwan oo ay uga arrisanayaan doorashada iyo kala aragi duwanaanshaha murashaxiinta u dhaxaysa,waxana maanta soo gaaray Garowe Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo sheegay inuu Garowe u yimi sidii maslaxada iyo danta guud ee Puntland looga wada shaqayn lahaa, khilaafka dhexyaaka ragga tartamayana lagu dhamayn lahaa,sidoo kale ku simaha boqorka Daarood Burhaan Muuse Boqor iyo ragga kale oo Isimo ah ayaa lagu wadaa dhowaan inay Bosaaso kasoo kictimaan si ay doorkood isinnimo u qaataan.
Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo saxafada la hadlay ayaa sheegay inay dhex-dhaxaadin doonan murashaxiinta iyo madaxda dowladda.
Hadal haynta shacabka ee doorashada.
Magalada Garowe oo ah xarunta dowladda Puntland ayaa si wayn looga hadal hayaa doorashada iyo tartanka ka dhex aloosan murashaxiinta,waxayna ragga xilkaasi isku soo taagay ay iskugu jiraan kuwo saxada siyaasadda ku cusub iyo kuwo shaqooyin kala duwan dalka kasoo qabtay.
Dadka ayaa si wayn u sheegaya doorashadan inay ka gadisan tahay tii 2009-kii dhacday,arrinta ay u sababaynayaan ayaa ah ,khilaafka oo aan wali la xalin iyo doorashada oo ay maalmo koobani ka harsan tahay,iyo maqnaashaha doorka isimada.
Waxaana siyaasiyiinta u tooghaya arrimaahaan oo kale ay sheegayaan xalka inuu ku jiro in la isku tanaasulo oo loo daneeyo dalka iuo dadka reer Puntland.
Ammaanka Caasuamdda oo la adkeeyay.
Sideeda xaafadood ee Garowe dad-yow ka socda ayaa maalin sii horaysay kulan loogu qabtay xarunta Gobalka,waxa kulankaasi kasoo qayb galay gudoomiyaha guddiga doorashada Sareeyo guute Siciid Maxmaed Xirsi,saraakiisha ammaanka Gobalka,mamulka Gobalka iyo kan degmada,waxana looga munaashiqooday sidii habeen iyo dharaar la isaga kaashan lahaa amniga inta ay socoto doorashada iyo waliba isku diyaarinteeda.
Ciidanka dowladda oo iskugu jira kuwo booliska iyo ilaalada wadooyinka ayaa lagu arkayaa wadooyinka muhiimka ee caasumadda,waxana socda baaritaano kala duwan oo lagu samaynayo gaadiidka soo galaya magalada iyo kuwo beersoolka leh.
Si kastaba waxaa lagu rajo wayn yahay in doorashada madaxtinimadda Puntland ay ku dhacdo si xor iyo xalaal ah dadka ka qayb galayana ay ku wada qanacsan yihiin.
Puntlandpost-waxay idin balan qaadaysaa inay si taxane ah idinla socod siiso wararka iyo waraysiyada ku saabsan doorashada iyo ammaanka caasumadda Puntland.
Tafaftiraha Puntlandpost.com
Cali Cabdi Ducaale
Garowe/Puntland