Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Marka: Xasan Sheekh oo siyaasad Xumadiisa kusii darsaday inuu taageero Maleeshiyooyin gashan dharka Dowlada

$
0
0

Marka: (pp)- Bilihii la soo dhaafay waxaa ka jiray gobolka Sh/hoose dagaalo u dhaxeeyey kooxo la bisan  Tuutaha dowlada oo ka soo jeeda Beesha habargidir iyo maleeshiyooyin ka soo jeeda deegaanka Sh/hoose, waxayna dagaaladaasi saamayn xoogan ku sameeyeen inta badan deegaanka Sh/hoose.

 

dagaal beeleedBeelaha biyo-maalka iyo Garre  iyo dadka kale ee deegaanka la degan ayaa arrinkaas ka dhiidhiyey  , waxayna arrinkaas keentay in beesha Biyomaal iyio beelaha la dega ay qoryo qaataan si ay isaga difaacaan maleeshiyooyinka deegaanadaas doonaya in ay si ka baxsan dhaqanka Soomaalida oo  xoog  kula wareegaan deegaanada Sh/hoose.

Madaxweynaha DF ee Soomaaliya ayaa dagaaladaas ka aamusay tan iyo intii ay socdeen  , waxaana warar sugan ay sheegayaan in Madaxweynaha iyo siyaasada uu aaminsan yahay ay  u xaglinayso Beelaha ku la bisan Tuutaha dowlada isla markaana doonaya in xoog kula wareegaanka deegaano ka tirsan Sh/hoose , taasna ay keentay in DF ee Soomaaliya ay dagaaladaas isaga aamusto, isla markaana ay eeday-weyso  ciidamada  sidda Hab Beeleedka  u hubaysan ee ka amar qaata dowlada.

Xasan ShiikhWaxaa kaloo xusid mudan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu  dagaaladaas ka hadlay, kaddib markii Beesha Direed ay dagaaladaas ku eedeeyeen in ay ka danbeeyaan Madaxweynaha iyo beelo uu dabada ka riixayo, kuwaas oo ay ku sheegeen in ay doonayaan in si xoogan kula wareegaan deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Dagaaaladaas ayaa la sheegayaa in dhibaatooyin isugu jira Dhimasho & dhaawac ka dhasheen, waxaana beelaha dega deegaankaas la sheegayaa in  ay ka siman yihiin in iska difaacaan weerarada is daba-joog ah ee  uga imaanaya Beesgha Habargidir oo siyaasad ahaan uu dabada ka riixayo Madaxweynaha iyo rag la siyaasad ah.

Sikastaba, dagaaladan ayaa haddii madaxweynaha uu siyaasadiisa wax ka bedeli waayo waxay ku keenaysaa fashil siyaasadeed oo la mid ah tii kaga dhacday deegaanada Jubbooyinka oo uu  sanad iyo bar hortaagnaa in dadka deegaanadaas ay samaystaan maamul iyaga u gaar ah oo hoos yimaada DF ee Soomaaliya.

Puntlandpost, Marka , Sh/hoose

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>