Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Garowe:Haweenka Talowadaag ee PL oo soo dhaweeyay haween xildhibaanimo raadinaya(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Haweenka talo-wadaag ee Puntland ayaa casho sharaf ugu sameeyay hotelka New rays ee magalada Garowe saddex haween ah oo raadinaya xildhibaanimadda barlamaanka,kuwaasoo ka yimi Gobaladda Sanaag iyo Gardufuu.

1Saddexda haween ee doonaya xilka xubinnimadda baarlamaanka Puntland ayaa waxay kala yihiin Xaawo Xasan Maxamed,Caasho Cabdilaahi Maxamed iyo Muxubo Cismaan waxayna kasoo jeedaan Gobaladda Sanaag iyo Gardufuu,haweenka Talowadaag ayaa soo dhawayn ballaaran magalada ugu sameeyay,waxayna ku dhiiri galiyeen inaysan ka niyad jabin raadinta xilkaasi.

4Talo-wadaag waa madal ay ku midaysan yihiin haweenka Puntland ee dalka iyo dibadda,waxayna iyagoo isku duuban sheegeen inay muhiim tahay sidii loo heli lahaa xaquuqda ay haweenku ku lee yihiin siyaadda iyo go’aan gaarida ugu danbaysay ee Puntland.

Saddexda haween ee xilkaasi raadinaya ayaa Puntlandpost u sheegay inay ka go’an tahay haddii ay guulaysteen inay muujin doonan xaqa haweenka ee ay ku lee yihiin xukumadda.

Isimadda Puntland ee wali ku mashquulsan soo xulista baarlamaanka cusub ayaan ilaa iyo hadda u balan qaadin haweenka inay heli doonan qaybta ay ku lee yihiin kuraasta baarlamaanka,maadama ay Puntland ka kooban tahay sagaal Gobal.

2 4 9 10 1 11 6 11 8 6 3 10 75

21010 211

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>