Garowe(pp) Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo kasoo socdaalay magaada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magalada Garowe.
Soo dhawaynta Isinkaasi waxaa ka qayb galay mamulka Gobalka kan degmada,xildhibaanadii hore iyo qaar ka mid ah ragga u tartamaya xilka madaxtinimadda Puntland.
Isaan Bashiir oo loo galbiyay hoyga magalada looga diyaariyay oo saxafada la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee Caasumadda loogu soo dhaweeyay,wuxuna sheegay socdaalkiisa inuu la xariira sidoo uu door uga qaadan lahaa xalinta mushaakilaadka ka dhex aloosan dowladda iyo murashaxiinta xilka madaxtinimadda u taagan.
Islaan Bashiir ayaa sheegay inay muhiim tahay ka shaqaynta isku duubnimadda iyo midnimadda Puntland,wuxuna tilmaamay inuu baajiyay safaro dhaa dheerad,balse uu ka fiirsan waayay sidii loo dhamayn lahaa xaalada Garowe ka taagan ee doorashadda ku aadan,waxana lagu wadaa isimadda Garowe ku sugan inay wajahaan dhamaynta qodobka ay dowladda iyo murashaxiinta isku haystaan.
Waxa uu kusoo aadayaa socdaalka Islaan Bashiir ee Garowe ka dib markii maalinkii shalay ay murashaxiinta iyo madaxda PL isku maandhaafeen shir madaxtooyadda ka dhacay,taasoo dhalisay markii danbe in isimadda loogu baaqo inay ka qayb qaataan xaaladda taagan.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe