Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Muqdisho:Koox hubaysan oo dhaqaatiir Siirayaan iyo Somali ah ku dishay duleedka Muqdisho

$
0
0

Muqdisho(pp) Afar dhaqtar oo saddex ka mid ah ay u dhasheen wadanka Siiriya kan kalena uu Somalia yahay ayaa saaka lagu dilay duleedka magalada Muqdisho.

Deg degDablay hubaysan oo aan la aqoon haybtooda ayaa dhaqatiirta dishay,wararka soo baxaya yaa sheegaya dhaqatiirta geeriyooday inay ka howl gali jireen isbitaalka fiqi,wuxuna falkaan ka dhacay agagaarka nawaaxiga Siinka Dheer ,iyadoona xiliga la qaarajinayay ay u socdeen isbitaalka.

Afar qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka waxaana dhaawacooda loola cararay isbitaalka Xayaad,dadka deegaanka ayaa sheegay kooxda hubaysan inay ku horgooyeen gaariga ay wateen dhaqaatiirka geeriyooday ka dibna ay rasaas ooda uga qaadeen,lamana yaqaan ilaa iyo hadda raggaasi waxay ahaayeen.

Ilaa iyo hadda cid ka hadashay ma jirto dilka dhaqatiirtaan,mana ahan markii ugu horaysay howl-wadeeno isbitaalka fiqi la dilo,waxana hadda socda dadaalo kala duwan oo arrintaasi ku aadan.

Dilka dhaqaatiirtan ayaa waxay kusoo aadaysaa xili la sheegay magalada Muqdisho in laga bilaabay hub aruurin.

Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdihso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>