Garowe(pp) Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo saakay kasoo kictimay magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda inuu soo gaaro magalada Garowe xarunta dowladda.
Waxaa soo dhawayntiisa ka qayb galaya Isimo,nabadoono iyo dad aqoon-yahano ah oo kaga hortagaya duleedka koonfureed ee magalada Gaalkacyo,socdaalkiisa Garowe Islaan Bashiirayaa salka ku haya siduu uu uga qayb qaadan lahaa xalinta khilaafka u dhaxeeya murashaxiinta iyo madaxda Dowladda ee salka ku haya guddiga xalinta khilaafaadka.
Maalmihii ugu danbeeyay magalada Garowe waxaa ka socday shir wayne ay isimadu kaga tashanayaan sidii fadhi nabadeed lagu dhamayn lahaa arrimaha sida wayn loo hadal hayoee u dhaxeeya murashaxiinta madaxtooyadda u tartamaya 8-Janaayo.
Maalinkii shalay waxaa fashil kusoo dhamaaday kulan madaxtooyadda ku dhexmaray madaxda Puntland iyo murashaxiinta,kaasoo la isku mari waayay guddiga xalinta khiaafaadkaiyo doorka ay murashaxiinta ku lee yihiin.
Isimadda Puntland ayaa lagu wadaa maalmahan soo socda inay arrinta dhameeyaan si doorashada loo wajayo oo khilaafka iyo is-qabsiga lagu dhameeyo wada hadal hufan.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe.