Bosaaso(pp) Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa maanta socdaal ku tagay qaar ka mid ah iskuuladda sare ee ku yaala gudaha magalada ganacsiga Puntland ee Bosaaso,wuxuna u guurgalay xaaladda waxbarasho iyo nidaamka ay ardaydu wax ku bartaan.
Cali Xaaji ayaa ku hormaray Iskuulka sare ee Iman-Nawaawi oo ka mid ah iskuuladda ugu facawayn magalada Bosaaso,wuxuna la kulmamay mamulka iskuulada isagoona wax badan ka waydiiyay heerka waxbarasho iyo rajadda mustaqbalka danbe ee sare u qaadista iskuulka.
Intaasi dabadeed waxa uu booqday fasaladda daruusta lagu siiyo ardayda,wuxuna khudbad uu jeediyay ardayda uga digay socdaalka tahriibta oo qayb wayn ku lah dhibaatooyinka soo food saara dhalinyaradda,wuxuna sheegay inuu qiimo wayn u hayo dhalinyaradda aqoonta leh.
Musharaxa ayaa sheegay in loo baahan yahay jiil cusub oo gacanta ku dhiga mamulka dalka iyo horumartiisa,wuxuna sheegay sida lagu heli karo inay tahay in ardaydu ay waxbarashadda dhamaystaan oo ay si huffan dalkooda ugu shaqeeyaan.
Sidoo kale Cali Xaaji oo ay la socdaan saraakiil kale oo xafiiskiisa ka tirsan ayaa booqday dugsiga sare ee Dowlada,wuxuna la kulmay ardaydda iyo mamulka,wuxuna balan qaaday inuu wax badan u qaban doono waxbarashada iyo iskuuladda dowlada hagaajinta mamulka sare.
Sida uu noo sheegay masuul ka tirsan xafiiska Cali Xaaji Warsame maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa inuu booqda Jaamacaddaha ku yaala magalada Bosaaso iyo goobo kale o muhiim ah.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaaso