Garowe(pp) Guddiga culimadda Gobalka Nugaal aya maanta sheegay inay dibadda kasoo gaartay dhaqaale gurmad ah oo gaaraya 25.000-kun oo doolarka Markayna ah,taasoo inteeda badani ay ka timi Jaaliyadda Pl ee Denmark gaar ahaan Magaalada Aarhus.
Guddiga culimadda oo maantey shir jaraa’id ku qabtay Masaajidka Alhudaa ee magalada Garowe ayaa uga mahad celiyay dadkii ka qayb galay gurmadka loogu jiro sidii loo samata bixin lahaa qoysaskii ay saamaynta ku reebtay roobabkii qabowga watay ee ka da’ay Gobalka Nugaal.
Shiikh Cabdiqani Qorane Axmed oo bilowgii shirka jaraa’id ka hadlay ayaa u mahad celiyay dadkii lacagta soo gaarsiiyay ee shegay inay ka qayb galayaan gurmadka loogu jiro qoysasyka ku cayroobay roobabkii qabowga watay ee da’ay,wuxuna sheegay Qorane lacagta badankeed inay ka timi Wadanka Denmark gaar ahaan Somalia ku nool magalada Aarhus.
Halkan ka dhagayso Shiikh Qorane oo ka hadlaya lacagta iyo meelaha ay kasoo kala gaartay.
Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa u mahad celiyay umadda Soomaaliyeed ee isku howlay inay caawiyaan walaalahooda tabaalaysan,wuxuna sheegay guddiga culimadda Gobalka Nugaal inay si wanaagsan lacagtaasi ugala wareegeen shirkahadihii lasoo dhigay oo ay ka mid ahayd Tawakal iyo Amal.
Halkan ka dhagayso Shiikh Maxamuud Xaaji Yusuf.
Shiikh Maxamed Cali Axmed Madaxa mu’asasada Al-minhaaj ee Gobalka Nugaal ayaa dhankiisa sheegay inay muhiim tahay in loo gurmada qoysaska ku tabaalaysan deegaanadda ay duufaantu ka dhacday,wuxuna sheegay culimadda Soomaaliyeed inay wadaan dadaal kala duwan oo dadka lagu samata-bixinayo.
Wali waxaa socda gurmadka iyo bad baadinta qoysaska cayroobay inkastoo arrintii ku dhacday ay hayad mid rabaani ah ,haddana qoysasku waxay sheegayaan inay ku samir san yihiin masiibadda ku dhacday alle ay wakiisheen.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe