Stockholm(pp) Somalida ku nool Wadanka Sweden gaar ahaan magaala madaxda Stockholm ayaa waxay ugu deeqen lacag dadka roobabka iyo dabaylaha waxyeeleyeen ee ku nool Puntland.
Jaaliyadda oo kulankii ugu horeeyay ku yeeshay shalay galinkii hore xaafadda ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Stockholm ayaa dadka tabaalaysan ugu deeqay aduun lacageed oo gaaraya Konton kun oo dollar (50,000$).
Afhayeenka madaxtooyadda Dowlada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax-joore) oo ka mid ahaa dadkii kulankaasi ka qayb galay ayaa waraysi uu siinayay maanta Radio Garowe ku sheegay dadka Soomaaliyeed ee wadanka Sweden inay aad uga xun yihiin dhibaatadda qoysaska soo gaartay,wuxuna marka hore ka tacsiyeeyay geerida ku timi dadkii ku dhintay duufaanta.
Halkan ka Dhagayso Waraysiga uu Radio Garowe siiyay Libaaxjoore.
Puntlandpost.com