Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Garowe:Puntland oo Garowe ku xirtay ragg lagu tuhmay jaajuusnimo(Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa maanta saxaafadda u sheegay inay gacanta ku dhigeen labo nin oo lagu tuhmay inay yihiin jaajuusyo guranaya khayraadka alle ku banaystay deegaanadda Puntland.

khaliif-ciiseWasiirka Amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magalada Garowe ayaa sheegay labadaani nin ee Jaajuusnimiadda ku eedaysan inay markii hore Puntland kusoo galleen qaab Urureed balse baaritaan dheer ka dib la ogaaday inay yihiin dad doonaya inay si sharci darro ah ku gurtaan khayraadka muhiimka ah ee Puntland dhooban.

Ciidanka ammaanka ayaa gacanta ku dhigay raggaan eedaysan 14-bishaan ,sida uu sheegayna wasiirka ammniga waxaa xiran dad kale oo soomaali ah oo lagu tuhmayo inay raggaan la shaqaynayeen.

Labadaani Nin oo qaab hay’addeed Puntland usoo galay ayaa warqadda aqbaalada shaqada ka qaatay Puntland 20-ka bishii April.iyagoona mudadaasi ku howlanahaa arrimo ka dhan ah Puntland waa sida uu sheegay Khaliif Ciise.

Ugu danbayntii wasiirka ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan raggan u kala dhashay Wadamada Faransiiska iyo Ingiriiska.

Puntlandpost.com
Cali Cabdi Ducaale
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>