Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Nairobi:Hoggaamiyaha mamulka Jubba oo ka hadlay khilaafka Xasan Shiikh iyo Saacid Shirdoon

$
0
0

Nairobi(pp) Hoggaamiyaha mamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan Madoobe ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan madaxwaynaha Somali Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysilwasaare Saacid Faarax Shirdoon,kaasoo maalmihii ugu danbeeyay si wayn looga dareemay magalada Muqdisho.

Sheekh-Axmed-Madoobe-300x224Axmed Madoobe oo ku sugan Nairobi ayaa ka hadlay khilaafka wuxuna sheegay inay muhiim tahay in si deg deg ah loosoo afjaro si loo qabto howlaha culus ee dowlada horyaala,wuxuna sheegay madaxda ugu saraysa DFS inaysan waqti badan ku qaadan doonin soo afjarista arrinta taagan.wuxuna tusaale usoo qaatay sidii loo dhameeyay khilaafkii ka dhaxeeyay DFS iyo Jubbaland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo wasiir dastuur kasoo noqday xukumaddii Gaas ayaa ku baaqay raysilwasaraha Somalia inuu is-casilo maadama uu waayay inta badan kalsoonidii wasiiradiisa,wuxuna sheegay arrinta la isku hayo inaysan waxba ka khusayn dastuurka dalka.

Puntlandpost.com
Xafiiska Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>