Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Allaha u naxaristee Boqor C/laahi Boqor Muuse oo lagu aasay Qabuuraha Qardho (Warbixin)

$
0
0

Qardho: (pp)-Waxaa goordhaweyd qabriga la dhigay meydka Allaha u Naxariistee Boqor Cabdullahi Boqor Muuse oo saaka diyaarad keentay Meydkiisa magaalada Qardho.

Meydka Boqorka oo laga soo dejiyey Airport-ka magaalada Qardho ayaa salaada janaasada laga soo tukadey gudaha Airport-ka magaalada Muqdisho oo ay kasoo qeyb galeen salaada Masuuliyiinta DF .

Diyaaradii sidey Meydka Marxuum Boqor Cabdulahi oo ay la socdeen qaar ka mid ah Ehelada Boqorka iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada DF Somalia ayaa markii ay soo cago dhigatey  Airport-ka Qardho waxaa loo sii gudbiyey Waxyar kadib qabuuraha Qardho halkaas oo ay ku sugnaayeen madaxda maamulada Jubaland iyo Puntland, wafdi ka yimid maamulka Soomaalida Itoobiya DDS, wafuud iyo Issimo ka yimid Somaliland iyo gobalada kale ee dalka Soomaaliya.

Aaska Boqorka ayaa waxaa ka hadlay qaar kamid ah hogaamiyaasha kasoo qeyb galay, wuxuuna aasku ku qabsoomey si degan xilli amaanka magaalada Qardho maalmihii lasoo dhaafey si weyn loo adkeynayey.

Madaxda kasoo qeyb gashey aaska Boqorka ayaa haatan ku gudo jira booqashada Guryaha ay ku nool yihiin Ehelada uu kasoo jeeday Marxuum Boqor Cabdulahi oo ay gaarsiinayaan tacsida ay u dirayaan Qoyska Boqorka Beelaha Daarood.

Puntlandpost waxay mar dhow idin soo gudbin doontaa sawirada iyo warbixinta aaska Mabarxuum Boqor Cabdulahi sida uu ku dhacay.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>