Madaxweynaha DF ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa weli ka gilgelinaya inuu cadeeyo inuu ka danbeeyey dagaaladii dhowrka ahaa ee ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay ogyihiin in maleeshiyaadkii uu taageerayey iyo ragii hogaaminayey inuu u qaatay magaalada Muqdisho, kaddib markii laga awood roonaaday , halka Barre Hiiraale oo uu ku taageeray Tikniko iyo Ciidan uu u galay Alshabaab ,isagoo u aqoonsan sarkaal dowladiisa ka mid ah oo mushaari ah.
Waxaa la ogyahay in Barre Hiiraale intuu uu ku sugnaa Kismaayo oo ay la hadleen siyaasiyiin Beeshiisa ah inuu u sheegay inuusan wax dhibaato ah ka samaynayn magaalada Kismaayo , isagoo dhanka kale waqtigaas sheegay in Lacago ay soo siisay Dowlada Federaalka , uuna doonayo inuu Tuubadiisa iska dhuuqo, wuxuuna Barre Hiiraale waqtigaas codsay in farahana laga qaado, arrinkaas oo cadaynaysa in si toos ay DF ee Soomaaliya ay u taageeraysay raga qab qablayasha ah oo uu ka mid yahay barre Hiiraale.
Xasan Sheekh Culuswo oo saxaafada ka hadlay ayaa maanta sheegay in ciidamada kenya ay dhibaato ka geysteen magaalada Kismaayo, iyadoo la ogyahay in Ciidamada kenya aysan wax taageero ah siin maamulka Jubbaland State, iyadoo heshiiskii laga xoreynayey Al-shabaab ay ahayd in Ciidamada kenya ee AMISOM ay taageerraan ciidamada Jubbaland State , si deegaanadaas looga sifeeyo Al-shabaab iyo Kooxaha taageersan.
Xasan Sheekh oo ka hadlay Xaalada Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in arrimihiisa ay gacanta ku hayso DF ee Soomaaliya ayna waraysi la yeelanayaan, arrinkaas oo aan waxaba ka jirin , waxaana Puntlandpost illo Wareedyo ay soo xiganayso ay sheegayaan in Saraakiil shisheeye oo Caalamiya ah ay Waraysi la yeelanayaan Xasan Daahir Aweys , maadaama uu ka mid ahaa raga ku jira Liiska Argagixisada Caalamiga ah.
Waxaa kaloo cajiib ah inuusan sheegin Xasan Sheekh , duqayntii Ciidamadii uu taageerayey ay ka geysteen magaalada Kismaayo , yaa masuuliyadooda qaadaya sow maleeshiyaadkii uu dhaqaalaha ku taageerayey maaha ?? sow maaha inuu qirto inuu isagu ka danbeeyey ??
waxaa kaloo xusid mudan in Xasan Sheekh asbuucii tegay Wakiilka midowga Afrika uu si rasmiya ah ugu eedeeyey inuu ka danbeeyey dagaaladii Kismaayo ka dhacay , inkasta oo uu beeniyey laakiin loo haayo cadaymo badan oo qeexaya ku luglaanshaha dagaaladaasi.
Joornaalka kale ee Caalamiga ah the Economist ee qaadaa dhiga arrimaha Caalamka ayaa qoray in Dowlada Xasan Sheekh ay wada shaqayn ka dhaxayso xoogaga Al-shabaab , joornaalkaas oo soo qaatay arrimo badan cadayn ah, waxaa kaloo Joornaalka lagu xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaqo geliyey qab-qableyaal dagaal oo u adeegsaday arrimaha magaalada Kismaayo, waxaana warbixintu qortay in hantidii loogu talagalay dalka inuu adeegsasay inuu ku taageero Qab-qablayaal dagaal. —->>>Akhri Joornaalka The Economisst
Warbaahiayha Puntlandpost ayaa horay u qortay qaybo ka mid ah dhabaalada uu qoray joornaalka The Economist, waxaana sheegmay in lacago kumanaan kun oo Doolar dowlada xasan Sheekh ay adeegsatay dagaaladii Kismaayo, waxaase la isweydiinayaa Xasan Sheekh ma Madaxweynaa mise, qabqable dagaal oo matala Jabhadihii dalka Soo maray ee kana qaaday 1991-dii magaalada Muqdisho oo beri samaadkii ahayd Caasimada ugu ammaanka badan Caalamka.
Sikastaba, Xasan Sheekh ayaa ku socda wadadii uu maray C/qaasim Salaa Xasan, dowladiisiina ay ku dhacday kaddib markii uu soo hubeeyey Maleeshiyooyin isaga taageersanaa , taas oo soo de dejisay inuu sadex sano uusan dhaafin kursigii madaxweynaha ee ku fadhiyey.
Maxamed Jaamac
Puntlandpost.com