Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalay Salaadii Janaasada ee Boqor Cabdullahi Boqor Muse (Sawiro)

$
0
0

Muqdisho, 07 July 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qeybgalay salaadii Janaasada ee Marxuum Boqor Cabdullahi Boqor Muse (King-Kong) oo maanta lagu tukadey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Cadde.

IMG_4726Marxuum Boqor Cabdullahi Boqor Muse ayaa maanta meydkiisa la soo marsiiyey Muqdisho iyadoo salaadda ka dib loo qaaday magaalada Qardho oo lagu aasi doono meydka marxuumka.

IMG_4667Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa yiri “ Geeridu waa xaq, waxaana EEBBE uga baryayaa eheladii, saaxiibadii iyo dhammaan Soomalida inuu samir iyo IIMAAN naga wada siiyo geeridii marxuum Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King-Kong) oo si weyn looga yaqaanno Soomaaliya, isla markaana mas’uuliyad Qaran ka soo qabtay dalka. Marxuumka waxaa lagu yaqaanaa shaqsi nabaddeed. Boqorka waxuu siyaasadda ka sakow ka mid ahaa madax dhaqameedka Soomaaliyeed, waxaan EEBBE uga baryeynaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, annagana samir iyo IIMAAN naga wada siiyo.”

IMG_4694Madaxweynaha ayaa marwada marxuumka, carruurtiisa iyo eheladdaba gacan qaaday una tacsiyeeyey.

IMG_4726Munaasabaddan salaadda Jinaasadda waxaa kaloo goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, wasiiro, xildhibaanno, siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo bulshoweynta Soomaaliyeed.

IMG_4744IMG_4669IMG_4745IMG_4690

Isha Warka: xafiiska madaxweynaha

Daabacaada: Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>