Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Raiisal Wasaare Saacid oo gaaray Magaalada Garbahaarey

$
0
0

Gedo: (pp)-  Wafdi uu hogaaminayey Raiisal wasaaraha DF ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Raiisal wasaaraha DF ee Soomaaliya oo gaaray Garbahaarey

Raiisal wasaaraha DF ee Soomaaliya oo gaaray Garbahaarey

Safarka raiisal wasaaraha ayaa waxaa ku weheliyey Xubno Wasiiro ah , iyagoo si wanaagsan loogu soo dhoweeyey magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Wararka naga soo gaaraya halkaasi ayaa sheegaya in Wafdiga raiisal wasaaraha ay halkaasi kulamo kula qaadan doonaan waxgaradka, maamulka degmada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Safarka raiisal wasaaraha ayaa lagu sheegay mid xog waraysi ah oo ku aadan arrimaha deegaanadaasi ka jira, lamase sheegin ilaa hadda inuu magaalada Garbahaareey uu kusii negaan doono iyo in kale.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>