Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Garowe:Wararkii ugu danbeeyay ee khilaafka murashaxiinta iyo murashaxiinta oo guddi u saaray arrinta lagu isku hayo(Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Tan iyo markii uu fashil ku dhamaaday kulankii ay madaxtooyadda ku qaateen madaxda xafiiska joogta iyo murashaxiinta ayaa waxaa soo badanayay kulamadda isdaba jooga ah oo ay murashaxiintu ku yeelanayaan magalada Garowe.

Cali Xaaji Warsame-Kulamadaasi oo aan ilaa iyo hadda wax natiijo ah kasoo bixin ayaa waxaa la sheegayaa inay u badan tahay arrinta la isku khilaafsan yahay inay saacadaha soo socda ay dhinac u dhacdo,waxase si wayn loo hadal hayaa guuxa kasoo baxaya murshaxiinta mucaaraadka ah iyo madaxda xafiiska joogtaa siday u aqbali doonan.

Maantoo ugu danbaysay murashaxiintu waxay kulan gaar ah ku yeesheen aqalka murashax Maxamed Cabdinuur Xirsi Dhaga,wayne,kaasoo ay ku sheegen inay uga hadlayeen arrimaha la isku khilaafsan yahay iyo waxyaabihii kasoo baxay kulamadoodii hore.

Afhayeenka murashaxiinta xil doonka ah ee Puntland Cali Xaaji Warsame oo saxaafadda hadal kooban siiyay ayaa sheegay inay shirkooda maantey uga hadlayeen sidii looga gudbi lahaa daruufta adag ee ku meegaarsan doorashadda Puntland,wuxuna sheegay inay isla qaateen in la sameeyo guddi murashaxiin ah oo soo aruuriya hadaladda murashaxiinta oo dhan si wadajr wax looga qabto arrimaha la isku maandhaafsan yahay ee taagan.

Cali Xaaji Warsame waxa uu sheegay inay cid kasta oo wada-hadalka ka qayb galaysa ay talooyinka iyo tusaalaynta ka dhagaysanayeen.

Arrinta sida wayn loo hadal hayo ayaa waxay tahay maxaa kasoo baxay kulankii ay maalinkii shalay yeesheen murashaxiinta iyo guddiga xalinta khilaafaadka,Cali Xaaji oo si mal-dahan arrintaasi uga hadlay ayaa sheegay guddiga xalinta khilaafaadka inay iyagu soo codsadeen kulanka,hase ahaatee uusan wax qodobo ahi kasoo bixin.

Warar hoose oo ay heshay Puntlandpost ayaa sheegaya murashaxiinta mucaaradka ah inay ku kala aragti duwan yihiin khilaafka la isku hayo iyo hadalka la siiyay warbaahinta,taasoo keentay inay xanaaq ku kala dhaqaaqaan labada murashax ee kala ah Cali Xaaji Warsame iyo Cali Cabdi Awaare.

Docda kale isimadda Puntland oo bar-yihii ugu danbeeyay kusoo qul-qulayay magalada Garowe ayaa dhankooda dhex-dhaxaadinta kaga jira,walow aan ilaa iyo hadda war rasmiya laga hayn Isimadda halka ay wax marinayaan.

Isku soo wada duuboo loolanka adag ee loogu jiro doorashada madaxtooyadda Puntland ayaa waxay tahay mid aad u xiiso badan,maadama ay jirto dagaal adag oo dhanka afka ah oo u dhaxeeya murashaxiinta qaar iyo madaxda xilka kasii dhamaanaya.

 

 

 

Mobil ahaan u dhagayso-

Wixii kusoo kordha kala soco Puntlandpost.com

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>