Garowe(pp) Wasiir dowlihii hore ee wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr.Maxamed Xirsi Ducaale ayaa maanta magalada Garowe kaga dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland.
Maxamed Xirsi Ducaale ayaa sheegay sababta uu xilkaasi iskugu soo taagay inay tahay sidii uu shacabkiis Reer Puntland iskugu keeni lahaa isla markasna uga shaqayn lahaa midaynta gobaladda Puntland.
Waxa uu sheegay Murashax Dr.Maxamed Xirsi haddii uu alle ku guuleeyo xilka madaxwayne ku xigeenka inuu xooga saari doono,ka shaqaynta hormarka,ammaanka,isku xirka gobaladda iyo shacabka,wax ka qabashada beeraha,macdanta,biyaha,dhismaha iskuulo farsamo oo looga baahi baxo tahriibta dhalinyaradda iyo waliba kobcinta dhaqaalaha dalka.
Masuulkan waxa uu sheegay inuu aqoon durugsan u lee yahay caafimaadka,waxbarashadda iyo arrimaha gudaha,sidaasi darteedna uu dadkiisa wax badan u qaban doono,wuxuna tilmaamay inay ka go’an tahay sidii dib loogu soo celin lahaa gacanta Puntland Gobaladda kale ee maqan.
Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland inuu isku soo sharaxo xilka madaxwayne ku xigeenka Puntland.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe