Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Kismaayo:Madaxwaynaha Jubba Axmed Madoobe oo si deg deg ah ugu laabtay Nairobi

$
0
0

Kismaayo(pp)Hoggaamiyaha mamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan ayaa maanta dib ugu laabtay magalada Nairobi xarunta dalka Kenya.

Axmed-Madoobe-2Safarka Madoobe ee Nairobi ayaa waxay noqonaysaa mid deg deg ah maadama uu labo maalin ka hor uu kasoo laabtay magalada ,balse siyaasiyiinta Kismaayo ku sugan ayaa sheegaya inay kusoo aadayso arrimo la xariira dhismaha mamulka Jubba iyo sidii loo horumarin lahaa magaalo xeebeedka Kismaayo.

Wax war ah saxaafada kama siin dib ugu laabashadiisa Nairobia iyo waxa sababay,balse waxaa magalada Kismaayo ka socda abaabul xoogan oo loogu jiro qabashada waji labaad ee shirka dib u heshiisiinta arrimaha Jubba.

Dhanka kale madaxtooyadda mamulka Jubba ayaa maanta laga soo saaray warqad qoraal ah oo ku aadan in shacabka aysan dagi karin guryaha dowladda ee magalada Kismaayo,cidii lagu arkaana tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>