Taleex(pp) Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magalada Taleex ee Puntland,ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha isbitaalka TB-oo mudooyinkii ugu danbeyay dhismihiisa iyo qalabayntiisa la waday.
Munaasibada xariga looga jarayay isbitaalka ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socda mamulka Degmada Taleex,wasaaradda caafimaadka iyo Odayaal dhaqan,waxana goobta laga soo jeediyay khudbad kala duwan.
Madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga faa’iidaysto dawooyinka la xariira cudurka TB,maadama si wada jir ah wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adda la yiraahdo Dial Africa ay hirgaliyeen,wuxuna Cabdisamad Cali Shire sheegay xukumadda inay ka go’an tahay ka shaqaynta horumarinta Gobalka Sool.
Wasiiru dowlaha wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Maxamed Xirsi Ducaale ayaa dhankiisa sheegay wasaaradda caafimaad inay had iyo goor heegan ugu jirto sidii caafimaadka looga shaqayn lahaa,dadka degan Taleex ayuu ugu danbayntii ugu baaqay inay caafimaadkooda ka taxadaar oo ay goobaha baarista tagaan haddii ay xanuuno dareemaan.
Cali Xasan oo ah madaxa waaxda TB wasaradda Caafimaadka ayaa sheegay cudurka TB inay sahlan tahay dawayntiisa balse dadka looga baahan yahay inay yimaadeen xarunta oo ay qaataan dawooyinka lacag la’aanta ah ee loogu talo galay.
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa dadaal ugu jirti sidii caafimaadka dadka looga shaqayn lahaa,waxayna wadaa wali barnaamij balaaran oo lagula dagaalamayo sidii looga hortagi lahaa cudurka Dabaysha oo ah mid 7-sano ka dib dalkeena kusoo laabtay.
Puntlandpost.com
Cali Cabdi Ducaale