Muqdisho(pp) Labadii maalmood ee lasoo dhaafay deegaanka la yiraahdo NO:50-oo ka tirsan Gobalka Shabellada hoose waxaa ka dhacay dagaal sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac,wuxuna dagaalkaasi u dhaxeeyaa ciidan ka tirsan dowlada dhexe iyo maleeshiyo degan tuuladda.
Ra’iisulwasaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon ayaa guddi wasiiro ah u saaray inay baaritaan iyo warar sugan ka keenaan dagaalka waxa sababay,waxayna wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha uu tuulada lambar kotan kula qaaday qaar ka mid ah dadka deegaanka,isagoona ka waraystay xaalada siday tahay iyo waxa sababay dagaalka.
Dhinaca kale Burhaan Shiikh Wacays oo ka mid ah Odayasha Gobalka Shabellada hoose kuna sugan magalada Marka ayaa Radio Garowe u sheegay dagaalka ka dhacay tuulada NO:50-inay ka danbeeyaan ciidanka dowladda oo doonaya buu yiri inay si xoogan ku qabsadaan deegaanka.
Waxa uu sheegay Odaygaasi inay muhiim tahay in dowladda Somalia ay dhiilada colaadeed ka joojiso Gobalka Shabellada hoose oo dagaalada noocaan oo kale ah ay kusoo noq-noqdeen,wuxuna ugu baaqay in laga wada shaqeeyo nabadda iyo deganaashaha.
Deegaanku ay dirirtu ka dhacday waxaa ammaankeeda sugo ciidan madani ah oo hubaysan,kuwaasoo ay dowladdu ka war qabto,lana doonayo dhowaan in la xareeyo,balse dadka degan Gobalka ayaa sheegaya inay muhiim tahay dadku inay soo doorteen mamul ay ku kalsoon yihiin.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho