Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Gothenburg:Shaqalaha Xawilaada AMAL oo lagu tababaray lacag dirista iyo habka suuq-geynta(Sawirro)

$
0
0

Gothenburg(pp) Shirkada Xawilaada ee AMAL Express ayaa tababar muhiim ah oo ku saabsan habka loo diro lacagaha iyo suuq-geynta ugu qabatey magaalada Gothenburg dhammaan Wakiilada ka hawlgala dalka Sweden, waxaana tababarkan bixinayay Sharci yaqaano iyo aqoonyahan ku xeel dheer Sharciyadda, suuq geynta iyo maamulwanaaga.

IMG_0497Tababarkan, oo socday mudo laba maalmood ah ayaa maalintii hore waxaa si faahfaahsan looga hadley sharciyada wadanka Sweden ee habka lacag dirista taas oo muhiimad gaar ah u leh Shirkaddda iyo dhammaan hawlwadeenada shirkadda.

AMAL (2)Maalintii labaad, ayaa waxaa si qoto dheer loo sharaxey hababka suuq geynta iyo la macaamilka macaamiisha.

IMG_0355Gabagabadii tababarkan ayaa waxaa soo xirey maamulaha guud ee Shirkadda AMAL express Sweden Axmed Maxamed Geelle waxaana uu aad ula dardaarmey dhammaan Wakiiladdii tababarka qaatey isaga oo sheegey in loo baahan yahay in la dabakho macluumaadka iyo aqoonta laga bartey mudadii uu socdey tababarku.

AMAL (6)Waxaa u sheegey in muhiimad gaar ah ay Shirkadda u leedahay habka Sharci dirista lacagaha oo u baahan in la ilaasho dhammaan shuruucda u dagsan Sweden.

AMAL (6)Waxa uu kula darmaarmey Wakiiladda in ay laba jibbaaraan shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada, waxaana uu ku ammaaney hawsha baaxadda iyo masuuliyadda leh ee ay u hayaan.

AMAL (12)
Puntlandpost.com
Gothenburg-Sweden


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>