Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Garowe:Hay’adda TADAMUN oo deeq gaarsiiyay Qoysasy cayroobay(Sawiro&Dhagaysi)

$
0
0

Garowe(pp) Jumciyadd khayriga ah ee Tadamun Social Society ayaa maanta mamulka Degmada Dongorayo ku wareejiyay gaari deeq ah oo ay ku tabaruceen shacabka degan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe.

2Munaasibadda deeqdaas oo iskugu jirtay dhar,raashin.maacuun jirgaamo iyo agabyo kale oo qoyska loogu talo galay ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay Yuusuf Suudi Cabdi oo ka tirsan hay’adda wadaniga ah ee Tadamun wuxuna sheegay deeqdan inay iska soo aruuriyeen shacabka Garowe iyo Gaalkacyo basle hay’addu ay u fududaysay inay soo gaarsiiyeen guddiga qaabilsan aruurinta gurmadda.

5Waxa uu sidoo kale sheegay inay qaylo dhaan u direen dalka iyo dibadda dadka ku nool si looga wada qayb galo samata-bixinta dadka ay saamaysay roobabkii duufaanta watay ee ka da’ay Gobalka Nugaal.

6Duqa Degmada Dongorayo Cabdiqaadir Siciid Cabdiraxmaan ayaa ka mahad celiyay deeqda ay hay’adda Tadamun soo gaarsiisay gurmaddka,wuxuna sheegay inay muhiim tahay shacabka Soomaaliyeed inay ka wadda qayb gallaan sidii loo bad baadin lahaa nolasha qoysas faro badan oo ku cayroobay roobabkii barafka watay ee ku da’ay.

7

 

Hay’adda Tadamun ayaa ka shaqaysa waxbarashadda iyo Caafimaadka waxayna dhowaan deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah u dirtay dalka Suudaan,iyadoona ardayda baxay ay gaarayeen 9-arday kuwo kalena ay sugayaan fiisaha bixista.

 

8 4 3 1

Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>