Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Gaalkacyo:Musharax Cabdiwali Guray oo maanta Gaalkacyo soo gaaray(Sawirro)

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug ayaa waxaa maanta soo gaaray musharax Cabdiwali Maxamuud Guray oo ka mid ah musharaxiinta tiradda badan ee xilka maaxtinimadda Puntland u taagan.

Garoonka diyaaradaha waxaa kasoo dhaweeyay Odayaal,haween iyo dhalinyaro,kuwaasoo watay boorar ay ku sawirran yihiin musharax Guray,marka uu kasoo dagay garoonka ayuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida diirran ee Gaalkacyo loogu soo dhaweeyay.

Guray ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay doorashadda madaxtinimada Puntland ee dhacaysa 2014-ka ,wuxuna sheegay inay muhiim tahay helitaanka doorasho xor iyo cadaalad ah.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayuu sallaan ugu tagay musharax,wuxuna sheegay inay ga’an tahay sidii bulshadda Puntland loogu addeegi lahaa loona gaarsiin lahaa mashruucyadda hormarinta.

Magalada Gaalkacyo ayaa noqotay halka ugu badan ee ay musharaxiinta olalahooda ku qabsadaan.

aday 17 25 33 42 53 73 94 132

Cabdilaahi Yare
Puntlandpost.com
Xafiiska Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles