Beledweyn (PP): Wararka aan kahelayno magaalada Beledweyn ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Barqadii maanta ay qaraxyo is xig xiga iyo weerar toos ah lagu qaaday saldhiga Booliska ee bartamaha magaalada Beledweyn.
Dad goob joogayaala ayaa sheegay in ilaa 16 ruux ay ku dhinteen weerarka iyo qaraxyada, waxaana dhaawacyo intaasi kabadan loo qaaday xarumaha caafimaadka ee magaalada iyo xarunta caafimaadka ee Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin duleedka magaalada Beledweyn.
Dadka khasaaruhu kasoo gaaray weerarka lagu qaaday saldhiga Boolsika ee magaalada Beledweyn ayaa lasheegay inay ubadanyihiin ciidanka saldhiga iyo kooxihii weerarka sooqaaday, waxaana gudaha iyo banaanka saldhiga lagu arkayay maydadka dadkii ku dhintay weerarka oo ay kujiraan ciidamo katirsan Dawlada.
Weerarka oo ahaa mid toosa ayaa waxa bar bar socaday dhowr qarax oo siwayn looga maqlayay gudaha magaalada, waxaana uu bur bur xoogani soogaaray aargadii ay caanka ku aheyd magaalada Beledweyn.
Masuuliyada weerarkaasi ayaa waxaa sheegtay ururka al-shabaab, waxaana weli kahadlin masuuliyiinta dowlada, jawiga magaalada ayaa iminka degan waxaana gabi ahaanba hakad galay isku socodka iyo ganacsiga magaalada.
Waa weerarkii labaad oo laba bilood gudahood lagu qaado magaalada Beledweyn, waxaana dhamaadka bishii October weerar ismiidamina lagu qaaday maqaaxi ku dhow Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Beledweyn.
Puntlandpost.com
xafiiska Beledweyn