Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Boosaaso: Dowlada PL. oo Mamnuucday isticmaalka Caagaga Jiirgaamada Loo yaqaan

$
0
0

Boosaaso (PP): Shir jaraa’id oo uu maanta xafiiskiisa magaalada Boosaaso kuqabtay agaasimaha waaxda furddooyinka ee wasaarada maaliyada Puntland Qaasim Maxamed yusuf ayuu kaga hadlay amar kasoo baxay wasaarada kaasi oo lagu mamnuucayo isticmaalka caagaga loo yaqaano jiirgaamada.

qaasim

Agaasimaha ayaa sheegay in 16-kii bishaan amar kasoo baxay wasaarada maaliyada lagu mamnuucay in caagadahani lagasoo dejin karin dekeda magaalada Boosaaso, waxaana ujeedada loo mamnuucay uu ku sheegay kadib markii ay badatay dhibaatooyinka ay bulshadu kala kulanto isticmaalka caagaga.

Qaasim Maxamed yusuf ayaa intaasi raaciyay in caagdahaan markii hore asalkooda lagu qaado suta haraaga warshadaha Kiimikada, waxaana uu xusay in dad badani ay ku sumoomeen caagadahani.

Hoos ka akhriso Bayaanka ka soo baxay Wasaarada Maaliyada qeybta Furdada.

waraqad

Puntlandpost.com

Xafiiska Boosaaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>