Bosaaso: (pp)- Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolada Bari,Karkaar,Sanaag iyo Hayland ayaa maanta Xukun xarig ah ku riday Sideed askari oo ka tirsanaa Ciidamada badda Puntland,kuwaasi oo afduub u gaystay dhamaadka sanadkii tagay Markab laga lahaa Wadanka Kuuriyada Waqooyi.
Eedeysanayaasha la horkeenay Maxkamada oo ka tirsanaa Ciidamada badda Puntland ayaa illaalo ka ahaa Markabka oo Ciidamada badda Puntland ay gacanta ku dhigeen xilli uu Shamiito dhacday ku shubayay xeebaha Gobolka Bari,Islamarkaana lagu sheegey warbixin Dowlada kasoo baxdey gaar ahaan Wasaarada Dekedaha iyo Taliska Ciidanka Bada inay isku dayeen dhalintan ciidanka horey uga tirsanaa Afduub fashilmey oo ay rabeen inay Markabka iyo Shaqaalihiisa u geystaan.
Sida laga sheegey Maxkamada horteeda tirada Eedeysanayaasha dacwad isku dayga afduub ee dhicisoobey lala xiriirinayey oo dhan sideed maxbuus ayaa waxa Maxkamada markii ay xukunka rideysay goob joog u ahaa ilaa iyo Todobo halka la sheegey inuu ka baxsadey gacanta ciidanka Puntland eedeysanaha sideedaad balse xukunkiisa Maxkamadu ku dhawaaqdey isaga oo la sheegey inay gacanta ku hayaan eedeysanahaas hada ciidamada.
Guddoomiyaha Maxkamada Bosaso oo xukunka Eedeysanayaashan Maxkamada ka hor akhriyey ayaa sheegey ka dib dacwada eedeysanayaan oo ay soo qaadan Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Bari,Karkaar,Sanaag iyo Hayland ku ridey min 1 sano oo xarig ah todobadii la horkeeney Maxkamada Islamarkaana rafcaan loo qaadey ay eedeysanayaashu kiiskooda mar kale iska daafici waayeen.
Eedeysane ka mid ah sideeda falkan lagu eedeynayey oo ka baxsadey ciidamadii soo qabqabtey Eedeysanayaashan ayaa la sheegey inuu xukunkiisu isna noqonayo 2 sano oo xarig ah kana bilaabman doonta maalinta xabsiga la keeno , waxaana la sheegey Eedeysanahaas inay gacanta ku hayaan Ciidamada Puntland ee Gobolka Hayland, kuwaas oo lagu wado inay xabsiga usoo dhaadhiciyaan dhawaan si xukunkiisa uu u qaato.
Marka laga tago Xukunka ragan Maxkamada Bosaso ku ridey ayaa sidoo kale waxaa Maxkamadu xukuntey Sideed Qori oo ragan oo horey uga tirsanaa Ciidamada Badda ay wateen , kuwaas oo Maxkamadu u xukuntey inay la wareegto Dowlada Puntland .
Xukunka Sideeda Askari ee ka tirsanaa Ciidamada Badda Puntland ayaa noqonaya markii ugu horeysay oo rag ka tirsn tan iyo markii la aas aasey ciidamadas mudo saddex sano laga joogo oo Maxkamada Ciidamadu xukunto.
Puntlandpost.com
Bosaso.