Muqdisho: (pp)- iyadoo la ogyahay in maanta ay ka degeen magaalada Muqdisho , wafdigii Jubbaland state ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland State Axmed Islaan (Madoobe) ayaa si wanaagsan loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho, iyagoo ay garoonka Aadan Cadde Airport ay kusoo dhoweeyeen siyaasiyiin ka tirsan dowlada, Waxgarad ka soo jeeda deegaanka Jubbooyinka iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Jubbaland State oo si diiran loogu soo dhoweeyey Muqdisho ayaa waxaa dadka soo dhoweeyeyb ugu horeeyey raggii ay siyaasada isaga soo horjeedeen isla markaana ka biyo diidanaa hirgelinta maamulka Jubbooyinka iyo rag kale oo Muqdisho joogay oo dowlada Federaalka ay adeegsanaysay waqtigii la dhisayey maamulka Jubbaland state , kuwaas oo dhammaantood maanta ka mid ahaa ragii soo dhoweeyey hogaamiye Axmed Islaam iyo Wafdigiisa.
Daawo Video
Wafdiga Jubbaland ayaa la dejiyey meel ammaankeeda aad loo adkeeyey , waxaan safarka ku weheliyey masuuliyiin culus oo uu ka mid yahay M/kuxigeenka Jubbaland Gen, Farataag iyo Gen. Darwiish iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in safarkiisu uu hordhac u yahay heshiisyadii lagu gaaray addis Ababa.
Siakstaba, Safarka Axmed Madoobe ee Muqdisho ayaa ku aadan sii xoojinta arrimaha cilaaqaadka DF ee Soomalaiya iyo Jubbaland iyo siddii Madaxda Jubbaland ay la tashiyo ula samayn lahaayeen madaxda Dowlada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Df ee Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa inta uu ku sugan yahay Muqdisho, madaxweynaha Dowlada Federaalka hordhigaya qorshaha baarlamaanka Cusub ee Jubbaland , gollaha Wasiirada Jubbaland iyo arrimo kale, iyadoo Jubbaland State ay Xaq buuxda u leedahay arrimaha Jubbaland dowrka dowladase uu yahay la socodsiin iyo Talo soom jeedin iyo in la wada ilaaliyo go’aanadii lagu soo saxiixay Addis ababa, inta Jubbaland ay yeelanayso Baarlamaanka iyo Golle fulin oo dhamays tiran , kuwaas oo mustaqbalka la wareegi doona howlo badan oo ay isku hayeen DF ee Sommaaliya iyo maamulka Jubbaland State.
Aqalka Madaxtooyada ayaa Caawa loogu sameeyey Wafdiga madaxweynaha Jubbaland Casho Sharaf, kaddibna yeelan doona kulan gaaban oo soo dhoweyn iyo Marxabayn ah, iyadoo maalinka Beri ah si wanaagsan kulamo uga bilaabmayaan magaalada Muqdisho.
Puntlandpost.com