Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Qaahira: Ciidamada Ammaanka Masar oo bilaabay inay kala eryaan mudaaharaadyo ay ka danbeeyaan taageerayaasha Mursi.

$
0
0

Qaahira: (pp)- Ciidamada ammaanka dalka Masar , siiba magaalada Qaahira ayaa bilaabay in ka hortagaan iska markaana ay kala eryaan Mudaaharaadyo ay ka danbeeyaan taageerayaasha Madaxweyhii la inqilaabay ee  dalka Masar (Mursi).

MasarIska hor imaad labada dhinac ayaa ka dhacay goobo ka mid ah magaalada Qaahira, waxaana la wariyey in iska hor imaadka u dhaxeeyo ciidamada Ammaanka Masar iyo taageerayaasha Mursi  ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya isku dhaca ciidamada iyo taageerayaasha Mursi, waxaana Wararka ayaa qaar ay  sheegayaan in 5 qof ay ku dhinteen iska hor imaadkaasi, halka warar kale ay sheegayaa in dhinteen 20 qof.

Iska hor imaadka u dhaxeeya labada dhinac ayaa saameyn weyn ku yeeshay  nolosha dad badan oo reer Qaahira ah , kuwaas oo xafiisyada dowlada iyo goobaha ganacsiga u shaqo taga.

Dad badan ayaa Guryahooda ku nagaaday ,kaddib markii ay ka baqeen in ay si nabadgelyo ah ay  ugu soo laaban  waayaan Guryahooda, waxaa xiran Tareenada iyo Busaska ka shaqeeya goobaha ay isku hardiyeen Taageerayaasha Mursi iyo ciidamada ammaanka.

Ciidamada ayaa adeegsanaya Sunta indhaha ka ilmaysiisa iyo rasaas ay kor iradayaan , si ay u kala cayriyaan muwaadiniinta ka soo horjeeda siyaasada ciidamada,  ee kursiga ka tuuray madaxweynihii shacabka Masar ay ku soo doorteen sidda Dimoqraadiga ah.

Puntlandpost.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>