Garoowe: Waxaa Puntland la qorshaynayaa in ay doorasho madaxweyne ka dhacdo 08 Janaayo 2014, taas oo laysku raacay in ay madaxweynaha Puntland oo ay soo doortaan baarlamaan cusub oo ka kooban 66 xubnood.
Barlamaanka hadda jira ayaa la kala diri doonaa bisha oktoobar ee nagu soo aadan, waxaana qabaa’iladu soo dooran doonaan xubno u metela baarlamaanka, waxaa badanaaba dhacda in qaabaa’ilada qaarkood ay dib u soo doortaan xubnihii hore, laakiin sanadkaan waxaa moodaa in arinta xubinimada baarlamaanka ay ka xiiso badan tahay kuwii hore, oo ay qabaa’ilku doonayaan inay bedelaan xubnohoodii hore, si ay miiska u keenaan wejiyo cusub.
Sida ay Puntlandpost ka heleyso gobolada waxaa bilaamatay xulida xubnihii baarlamaanka cusub, gobolada dhamaan ama badiba bedelaya xubnohoodii hore ayaa ah Nugaal, Karkaar iyo Mudug.
Dowlada hadda talada haysa ayaa ku dadaalaysa in xubnihii hore dib loo soo doorto, taas oo digtooni ku abuurtay dadka isbedelka doonaya oo aaminsan in xubnaha hadda jira ay ka tirsanayeen xisbigii Horseed.
Puntlandpost.com