Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Garowe: Kulan looga arrinsanayo siddii loola socon lahaa dhaq-dhaqaaqa Lacagaha oo ka socda Garoowe

$
0
0

Garoowe: (pp)-   Madaxweynaha dawladda puntland ayaa kaqayb galay kulan looga Arinsanayo sidii loola socon lahaa dhaqdhaqaaqa lacagaha ay kala Gudbiyaan shirkadaha xawilaadaha , si looga hortago in lacagaha kala gudba aan looga geýsan wax la xariira Fal danbiyeed .

faroole_iyo_sarakiilHay’ada qaramada midoobay u qaabilsan la-dagaalanka Mukhaadaraadka iyo Danbiyada ee UNODC ayaa kulankan soo Agaasintay ,waxaana kasoo qaybgalay, gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka puntland Xarreed , Taliyaha Ciidamada Asluubta PuntlandGen. Cali Nuur   iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada, madaxda Shirkadaha xawilaadaha iyo masuulyiinta shirkadaha isgaarsiinta .

Shirkan ayaa socon doona mudo sadex maalmood ah waxana uu ka Furmay xarrunta taliska ciidanka asluubta puntland, iyadoo xogo rasmiya iyo talooyin muhiim ah lagu kala qaadan doono inta uu socdo kulankani.

Madaxweynaha puntland oo shirka furitankiisii hadal ka jeediyey Ayaa ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen Shirkadaha isgaarsiintu horumarka dalku gaaray ayuu sheegay inay Kaalin weyn kaqaateen .

ganacsatoMar uu ka kahadlayey shirkadaha xawilaadaha lacagta ayuu Madaxweynuhu sheegay inay hada nolosha boqolaal kun oo ruux ku Tiirsantahay, hadii la xirana ay nolosha dadkaasi mugdi gelayso Wuxuuna ka codsaday bangiyada aduunka qaarkood inay ka laabtaan go’aankooda ah inay xayiraan lacagaha soomaaliya loo soo diro.

Shirkani wuxuu daba socdaa kadib markii bankiga caalamiga ah ee Barclays Bank uu ku dhawaaqay inuu joojinayo macaamilkii xawilaadaha Soomaalida markii uu culays uga yimid hay’adaha amniga ee dalka Britain,qoysas badan oo wadanka dibadiisa lacago looga soo diro ayaa wadnaha farta ku haya saamaynta balaaran ee xirista Xawilaaduhu ku yeealan doonto.

Cabdi xamiid Salaad Bare

Puntlandpost, Garoowe, PL


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>