Garoowe: (pp)- Xaflad lagu maamuusayey Maalinta lagu maamuusayey Maalinta dhalinta Aduunka ayaa lagu qabtay hoolka Baarlamaana Puntland. Xafladaas ayaa waxa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka puntland General C/samad cali shire xubno Ka socday labada gole ee dowladda puntland ,Abwaano ,dhalinyaro,iyo marti sharaf hay,adaha Qaramada midoobey ka Socday .
Xafladan maalinta dhalinyarada aduunka ayaa maanta diirada lagu saarey arrimaha tahriibta Iyo dhibatooyinka dhalinyarada soomaliyeed soo gaara iyo sidii dhalinyarada loogu Sameyn lahaa shaqo abuur, waxaana la soo bandhigey filim ka turjumayey dhibka ay Dhalinyaradu kala kulmaan tahriibta saxaraha u dhexeeya wadamada Suudaan iyo Liibiya iyo khatarta ay kala kulmaan Badda marka ay ku safraan saxiimado balaastik ka samaysan.
Wasiirka shaqada shaqaalaha iyo dhalinyarada puntland Cabdiweli Xiris Cabdulle oo Wasaaradiisu soo qabanqaabisay munaasabadda xuska maalinta dhalinyarada ayaa madasha Kasoo jeediyey khudabad dheer oo dhinacyo badan ka taabanaysay.
Wasiirka ayaa sheegay inuu dhaliyarada ay wasaaradiisu dedaal dheer u gashay sidii dhalinyarada reer puntland loogu abuuri Lahaa fursado shaqo waxana uu xusay in wasaaradu u qareentay dhalinyarada wax bartay ee Aan haysan shaqooyin, dedaal dheer kadib waxay wasaaradu ku guulaysatay inay shaqo u Hesho dhalinyaro badan kuwaasoo 60 ka mid ah ay hada u shaqeeyaan hay”adaha qaramada Midoobay halka 47 kalena ay u shaqeeyaan hay”adaha kala duwan ee dawladda puntland.
Dhanka kalena wasiirka ayaa sheegay inay xirfado shaqo u tababareen dhalinyaro gaaraysa 5000 xirfadahaas oo kala ah maamulka iyo maaraynta,cilmiga computerka ,korontada Kaluumaysiga,cilad bixinta qalabka wax lagu qaboojiyo,farsamada cilada bixinta Baabuurta,cuno karinta ,qurxinta dumarka iyo culuumta Saxaafada.
Madaxweyne kuxigeenka puntland General Cabdisamad Cali Shire ayaa munaasabada soo Gabagabeeyey hadalkiisii inta badan wuxuu kaga hadlay dhalinyarada mudooyinkii dambe Miciinsaday tahriibta wuxuuna arinkaas ku micneeyey Aafo Qaran oo u baahan in dhinacayada Bulshada puntland oo dhan kahor tagaan wuxuuna intaas ku daray in dawlada puntland ay Garawsan tahay doorka ay dhalintu bulshada kaga aadan Tahay .
Xuska maalinta dhalinyarada aduunka waxay kusoo aaday waqtigii ay ugu badnaayeen Dhalinyarada soomaaliyeed inay u tahriibaan wadamada reer galbeedka waxana sanadkan ku Geeriyooday baddaha dhalinyaro kumanaan lagu qiyaasay kuwaasoo doonaya inay wadamada Yurub kahelaan nolol dhaanta tan soomaaliya.
C/xamiid Salaad Barre
Puntlandpost, Garowe