Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta dhammaan shacabka muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u direy hambalyada ciidul fitriga oo maanta caalamka oo dhan looga dabaaldegayo.
Madaxweynaha ayaa yiri “Alla maanta iyo maanta si wanaagsan u ciidda, alla maanta iyo maanta si wanaagsan u ciidda. Soonkii aad soonteenna EEBBE ajar iyo xasanaad hanaga wada siiyo. Waxey aheyd bil cibaado oo ummadda meel walba oo ay joogto si nabad ah ku cibaadeysteen marka loo fiiriyo sanooyinkii ka horreeyey. Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waa inay gacmaha is-qabsadaan oo ay si wadajir ah u wada ciidaan, una kaalmeeyaan wallaalahooda aan wax heysan, gaar ahaan carruurta deriska fiiro gaar ah haloo yeesho si ay maalinta farxadda u wada ciidaan.”
Madaxweynahu waxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan nabadda, iyo dib-u-heshiisiinta, si dalka uu u noqdo mid horumar ballaaran sameeya. Farxadda Ciiddana waa mid nooga baahan inaan isu naxariisano, danteenna guudna ka wada shaqeyno.
Puntlandpost.com