Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Garoowe oo maanta si wanaagsan looga ciiday (Dhegeyso)

$
0
0

Waxaa maanta  si fiican looga ciiday dhammaan deegaanada Puntland oo dhan, gaar ahaa magaalada Garoowe oo si wanaagsan   Salaadii Ciida ay uga  soo qaybgaleen Madaxda Golayaasha dowlada Puntland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Halkan ka dhegeyso khudbaddii M. Faroowe

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Salaadii Ciidul fatriga.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Salaadii Ciidul fatriga.

Qaar ka mid ah Madax dhaqameedka Puntland oo ka hadlay Salaada Ciida kaddib , ayaa shacabka Puntland ku booriyey inay nabada ka shaqeeyaan , ayna xajistaaan nabadgelyada ay haystaan, waxayna si wanaagsan ugu ammaaneen madaxweynaha Puntland go’aanmkii uu ka qaatay joojinta doorashooyinkii golayaasha Deegaanka.

Madaxweynaha Puntland oo si kooban uga hadlay xaalada Puntland ayaa shacabka ku booriyey in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada, wuxuu kaloo soo hadal qaaday doorashooyinkii ay baajiyeen, wuxuuna ka dalbaday madax dhaqameedka Puntland in soo xulaan  Ergooyinkii cusbaa ee baarlamaanka Puntland, kuwaas oo soo dooran doona Madaxweynaha / kuxigeenkiisa .

Madaxweyne Faroole ayaa ka codsaday Isimada inay soo xulaan dad masuuliyiin ah oo matali kara shacabka Puntland , kana shaqayn kara horrumarka iyo waxtarka Puntland, una taagan had iyo Jeer wanaajinta iyo badbaadinta Puntland.

Madaxweyne Faroole ayaa soo qaaday xiriirka DF ee Soomaaliya , wuxuuna sheegay in xiriirkooda joojiyeen , kaddib markii iyagii joojiyeen , ayna bedeleen dastuurkii Federaalka Soomaaliya.
Halkan ka dhegeyso khudbaddii M. Faroowe

Puntlandpost.com

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>