Muqdisho: (pp)- Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamud ayaa galinkii danbe ee maanta ka dhoofey garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo kusii jeeda xarunta wadanka Ethiopia magaalada Adis Ababa.
Xasan Shiikh Maxamed iyo waftigiisa ayaa socdaalka Ethiopia ku aadeen lagu sheegey in uu salka ku hayo ka qeyb galka munaasabad loo sameynayo xuska sanad guuradii 50-aad ee kasoo wareegtey markii la aas aasey Midowga Africa.
Dhinaca kale wararka Puntlandpost ka helayso ilo madax banaan ayaa xaqiijinaya in safarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud uu qeyb ka yahay fursad Dowladiisu u aragto inay kaga faa,iideysan karto ka dhaadhicinta Midowga Afrika mowqifka madaxda DF Somalia kaga soo horjeedaan dhismaha maamulka Jubaland.
Waxaana ilo xogogaal ah ay u xaqiijiyeen shabakada Puntlandpost in Madaxweynuhu uu diyaarsadey warbixin xasaasiyadeeda leh oo uu qorshuhu yahay sidii uu uga hor jeedin lahaa munaasabada xuska oo ay kasoo qeyb galayaan Madax kala duwan oo ka socota wadamada Midowga Africa.
Xasan Shiikh Maxamud Madaxweynaha DF Somalia ayaa warbixintiisa diirada ku saari doona Mowqifka dowladiisa ay ku diidey hirgalinta nidaamka federaalka ee Somalia, taas oo qeyb ka ah diidmada Madaxda dowladu kaga soo horjeedo dhismaha maamulka Jubaland.
Waxaana uu imaanayaa safarka Madaxweynaha DF Somalia uu ku tagayo Adis ababa ka dib xus Muqdisho loogu qabtey sanadguurada 50 aad ee Midowga Afrika kaas oo uu ka qeyb galay Xasan Shiikh Maxamud ka hor intii uusan dhoofin.
Sida la sheegey In ka badan 30 madaxweyne iyo ra’isal wasaarayaal ka kala socda dalalka Africa ayaa ka qayb galaya Munaasabada midowga Africa.
Puntlandpost.com
Muqdisho.