Geneva: (pp)- Warbixin kasoo baxdey hay,adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa lagu sheegey inay jirto khatar ku saabsan fiditaanka cudurka dabeysha oo laga helay caruur da,adoodu ka yar tahay shan sano oo ku nool xeryaha qaxootiga Kenya.
WHO waxay sheegtey ka dib baaritaano laga sameeyey xerada qaxootiga ee dhadhaab in lagu ogaadey jiritaanka cudurkan, iyadoona intaas warbixinta hay,addu ku dartey inay jiraan caruur cudurku ku dhacay muddo bil ka hor oo iyana la xaqiijiyey.
Warbixinta hay,adda ayaa digniin ku saabsan fiditaanka cudurka dabeysha loogu jeediyey Wadamada Somalia iyo Kenya oo WHO sheegtey in cabsi uga qabto .
Cudurka Dabaysha oo ka mid ah cudurada naafada keena ayaa si caadiga talaal ka hortag ah lagaga sameeyaa caruurta da,adoodu ka yar tahay shanta sano , Waxaana sanadka gudihiisa lagu qiyaasey tirada caruurta laga talaaley Soomaaliya inay dhan tahay 440 kun.
Dhinaca kale Warbixinta hay,adda WHO kasoo baxdey ayaa lagu sheegey in uu jiro qorshe lix sano socon doona oo lagu ciribtirayo cudurka dabaysha, kaas oo ay WHO dejisey.
Mirth Evrit Madaxa WHO oo bilo ka hor tagtey magaalada Muqdisho ayaa sheegtey inay jiraan khataro caafimaad xumo oo haysta caruur faro badan , kuwaas oo la ildaran nafaqo daro iyo cuduro kale oo halis ah, una baahan in si deg deg ah looga howl galo wax ka qabashadooda.
Cudurka dabaysha ayaa saameyn ku leh dad badan oo ku nool Soomaalia kuwaas oo noqdey naafo ka dib caruurnimadoodii oo aan laga talaalin dadka dabeyshu naafeysay sida dhakhaatiirka caafimaadku sheegeen marar badan.
Puntlandpost.com
Geneva, Switzerland