Ururka Sahal ka dib markii uu u kuurgalay shir deg degt ah oo xulufada Xasan Shiikh (waxaana goob joo ahaa Gacan ku dhiigle Gaafow, Cabdikariim Guuled iyo xubno kale) ay 16-5-2015 ku yeesheen xarunta Villa Soomaaliya waxaa laga soo saaray in gobolada Jubbooyinka lagu soo rogo cuna-qabatayn cir, dhul iyo bad ah isla markaasna lagu soo rogo xaalad deg deg ah.
Ururka Sahal oo bayaan adag kasoo saaray cadaalad xumada iyo farogelinta qaawan ee Xasan Shiikh, Sidaasi darteed waxuu halkaan kusoo bandhigayaa bayaan adag oo looga digaayo cawaaqib xumada ay arintani keeni doonto
1. Waxaan si adag u cambaaraynaa shirkii dulmiga ahaa ee madaxwaynaha iyo xulafadiisu ay kaga hadlaayeen sidii shirqool iyo dhibaatayn looga dhex abuuri lahaa shacabka gobolada Jubbaland.
2. Waxaan si adag u cambaaraynaa hadalkii kala qaybinta iyo iska horkeenka ahaa ee ku hadlay Cabdikariim Guuled kaasoo uu uga soo horjeeday shirkii dhisitaanka maamulka Jubbaland State of Soomaaliya;
3. Waxaan xusuusinaynaa Gaafow intooda badan dadka Soomaaliyeed ay u oqaansan yihiin dagaal ooge iyo gacan ku dhiigle xoog ku haysta guryo badan oo laga qaxay 1991. Sidoo kale waxuu Gaafow ku qaraabtaa magaca haya’ada Socdaalka Soomaaliyeed nasiib darro laantii socdaalka waxay dhimatay 1991 taasoo ku beegan markii ay dhacday dawladii kacaanka ahayd.
4. Waxaan si adag uga digaynaa isku dayga Xasan Shiik iyo xulufadiisu ay ku doonayaan inay cunaqabatayn saaraan gobolada Jubbaland. Sidoo kale Xasan Shiikh iyo xulufadiisa waxaan u sheegaynaa inay arintan ka waantoobaan waayo waxaan la soconaa inaysan xaataa xiri karin hawada Muqdishu iskaba daa hawada, dhulka iyo badda Jubbaland waayo waxuu Muqdisho marti u yahay ciidamada AMISON oo ku ilaaliya Villa Soomaaliya.
5. Ururka Sahal waxuu ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka la socodsiinayaa in Xasan Shiikh iyo xulufadiisu ay ku socdaan cadaalad darro cad iyo sii kala fogaynta ummadda Soomaaliyeed isla markaasna ay Soomaaliya dib ugu celinayaan dagaal sokeeya.
6. Ururka Sahal si adag markale dhaleecayn tusa uga tuurayaa idaacada VAO Soomaali oo markii hore loogu talogalay inay wararka usoo gudbiso dadka ku hadla af Soomaaliga laakiin hadda u xuubsiiibatay idaacada tabisa fikradaha Xaad, Axmed Diiriye iyo xulufada Xasan Shiikh. Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in idaacada VAO Soomaaliya ay ku xad-gudubtay sharciga saxaafada dhexdhaxaadnimada ay dawlada USA ugu talogasay isla markaasna ay hadda noqotay idaacad uu ku adeegto hogaamiye kooxeed la dhaho cabdiraxmaan Yabarow.
Ugu danbayntii, waxaan Xasan Shiikh xusuusinaynaa inuu maanta lumiyey 80% kalsoonida iyo rajadii ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen inay helaan madaxwayne u siman guud ahaan ummadda Soomaaliyeed isla markaasna dawladii madaxwaynaha loogu doortay ay maanta kusoo ururtay ilaalinta beesha iyo xisbiga uu kasoo jeedo.
Bayaankan waxaa London kasoo saaray ururka Sahal