Garowe(pp) Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr.Maxamed Saadiq Eenow ayaa ka digay in shirar ka dhanka dowladda ay Garowe ku qabteen masuuliyiin ka tirsan dowladii hore ee Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole.
Inkastoo uusan Eenow carabaabin dadka uu shirarka uga digayo hadana waxa uu sheegay inay tilaabo sharci ah ka qaadi doonaan haddii caasumadda Puntland ku qabata shirar dowladda Cabdiwali Cali Gaas looga soo horjeeda.
Hadalkan ayuu ka jeediyay waraysi uu siiyay Puntland Tv-iyadoona maalmihii ugu danbaysay ay magalada Garowe ahayd mid ka caagan shirar lagu qabto goobaha Hoteelada ka dib markii uu amar kasoo saaray mamulka cusub ee Gobalka Nugaal.
Wasiirka Caafimaadka waxa uu yiri”Reer baadiyaha waxaa u dhaqan ah inay qooqaan marka uu roobku da’o oo ay dhargaan oo ay toorey isla dhacaan,waxaa muuqata tiiyoo siyaasad ah inay Garowe ka socoto,xubno waxaa la sheegayaa dowladdii dhacday ah inay shirar ka wadaan halkan loo dulqaadan maayo wadanka in dhibaato la galiyo,Dhambaalkan waxaa si toos ah ugu dirayaa Nimanka Hebelo ah oo fidnimada ka wada deegaanka ,haddii aysan joojinna tilaabaa laga qaadayaa”.
Wasiirku waxa uu cadeeyay inaysan dowladdu u dulqaadan doonin faduusha ay wadaan ragg uu sheegay inay ka tirsan yihiin xukumaddii hore ee madaxwayne Cabdiraxmaan Farole.
Hadalka Wasiirka Caafimaadka Puntland Eenow ayaa kusoo aadaya xili mamulka Gobalka Nugaal uu ku guulaystay in aan wax shirar ah oo aan lagu soo wargalin lagu qaban magalada Garowe.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe