Bosaso(pp) Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbaarshada Puntland ee ku sugan Gobolka Bari ayaa xog ururin ku sameeyay Jaamacadaha ku yaala magaalada Bosaso,arrintaas oo qayb ka ah Kormeerka ay ugu kuurgalayaan habsami u socoka Waxbarasho ee Gobolka Bari.
Waxyaabaha ay Xog ururinta ku sameeyen ayaa waxaa ka mid ah;-
1-Qaabka ay u shaqeeyaan Jaamacaduhu.
2-Qalabka ay wax u baraan Ardayda.
3-Goobta ay Ardayda Wax ku baraan.
4-Tayada Macalimiinta dhiga Jaamacadaha.
5-Dhismayaasha Jaamacaduu ay ku shayqeeyaan iyo arrimo kale
Kormeerka oo maalintii saddexaad galay.
Wasiirka wasaarada Waxbarsahada Puntland Prof. Maxamed Cali Faarax,Agaasimaha tacliinta sare Cabdulaahi Cali Jaamac,Agaasimaha waaxda tayada Waxbaarshadda cabdulqaadir Nuux iyo Guddoonka Waxbarashada Gobolka Bari ayaa kormeer maalintii saddexaad ku tagay goobo Waxbaarsho eek u yaala magaalada Bosaso.
Iskuulada ay booqdeen Madaxda Wasaaradda Waxbarashad ayaa kala ah,Xamdaan iyo Najax oo ka mid ah goobaha Waxbarashada eek u yaala Bosaso.
Wafdiga oo ku horeeyay Iskuulada Xamdaan ayaa u kuurgalay habsami u socodka Waxbarasho ee Iskuulka Xamdaan,oo la Aas-aasay 2001.
Maamulaha Iskuulka Xamdaan Cabdulqaadir Maxamed Yuusuf ka xog waramay shaqada Iskuulka ayaa sheegay in Xamdan uu yahay Iskuulkii ugu horeeyay ee laga Aas-aasay Puntland,wuxuu suay in ay barayaan ay ka yihiin 17-macalin oo 9-ka mid ah ay u dhasheen dalka Suudaan.
Dhanka kale Mas’uuliyiinta Waxbarashada ayaa kormeer ku tagay Iskuulka Najax,halkaasi oo ay kuso dhoweeyen maamulka iyo Macaliminta Iskuulka Najax.
Maamulaha Iskuulka Najax oo xogta Iskuulka la wadaagay Wasaaradda Waxbaarshada ayaa sheegay in iskuulka la Aas-aasay sanadkii 2000,wuxuuna xusay in Dufacadii ugu horaysay ka qalinjabisay sanadkii 2007.
Si akstaba aha ahate,Mas’uuliyiinta Waxbashada Puntland ay ku joogaan Bosaso ayaa qayb ka ah socdaal ay ugu kuur galayaan habsami u socodka Waxbaarsaho ee Puntland.
Xogtan iyo sawirrada waxaa nasoo gaarsiiyay Deeq Maxamed Wasame oo ah Xoghaynta Wasaaradda Waxbarashada Puntland.