Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Magalada Garowe oo lagu qabtay roob doon ballaaran (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Boqolaal dadwayne ah ayaa maanta u dareeray Salaada Roob doonta iyadoona ay ka qayb galleen mamulka degmada Garowe,wasiiro iyo culimadda Puntland.

Duleedka Waqooyi ee magalada ayay dadku iskugu soo baxeen markii la tukaday Saalada roob doonta waxaa dadka la hadlay masuuliyiintii soo qaban qaabisay roob doonta.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah Culimadda ugu caansan Puntlad ayaa sheegay inay muhiim tahay in xiliga kasta illaahay laga cabsado cafis-na la waydiisto,isagoona tilmaamay roob la’aanta inay tahay imtixaanaadka uu illaahay ugu talo galay adoomihiisa.

Balse umadda islaamka ah ee Soomaaliyeed looga baahan yahau inay is-cafiyaan oo rabigii uumay ay xili kasta cafis iyo dambi dhaaf waydiistaan si roob la’aanta iyo dhibaatooyinka dalka ku habsaday uu EEBE nooga dulqaado.

Wasiirka Cadaalada Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame oo maalinkii shalay warbaahinta ka sheegay inay roob doontan iclaansheen ayaa sheegay inay waajib tahay in illaahay baryadiisa la badiyo si uu naxariistiisa noogu wanaajiyo,wuxuna sheegay roob la’aanta inay qayb ka tahay tilaabooyinka uu EEBE dadkiisa ku ciqaabayo.

Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa sheegay inuu kasoo dib dhacay xiligii Roobka Gu’ga la dhowri jiray taasina ay keentay in umadda Soomaaliyeed ay maanta roob doon ka sameeyeen gobaladda Puntland.

Biyo la’aan ayaa dad ugu dhinteen qaar ka mid ah Gobaladda dhexe ee dalka oo aan wali roobkii Gu’ga uusanka curan.

 

DSC05127DSC05128DSC05131DSC05137DSC05141DSC05144DSC05149DSC05150


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>