Garowe(pp) Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Nugaal Mudane Cabdiqani Xaashi Cali ayaa maanta ugu baaqay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Gobalka Nugaal inay usoo jeestaan sidii ay Shanta degmo ee Gobalka uu ka kooban yahay u hormarin lahaayeen.
Waxa uu tilmaamay Cabdiqali Xaashi inay muhiim tahay cid kasta inay ka qayb gasho dadaalada lagu doonayo in lagu hormariyo Gobalka Nugaal.
Sidoo kale Gudomiyaha Gobalka Nugaal ayaa sheegay Hay’addaha caalamiga ah iyo kuwo maxaliga ah in looga baahan yahay inay iska soo diiwaangaliyaan xarunta Gobalka Nugaal.
Gudoomiyaha ayaa sheegay is-diiwangalinta arrintaasi inay ku eg tahay 29-ka bishaan April ayna muhiim u tahay arrintaasi shaqadda mamulka Gobalka Nugaal.
Waxa kale uu sheegay inay magalada bisha soo socota bilowgeeda ay mamnuuc ka yihiin isticmaalka beersoolka gaadiidka lagu dhajiyo iyo qoryaha magalada lagu dhex wado.
Waraysiga Gudoomiyaha Nugaal Halkan ka dhagayso
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe