Muqdisho(pp) Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa goor dhawayd ku dhintay qarax loogu rakibay gaari uu watay.
Xildhibaanka qaraxaasi ku dhintay ayaa la yiraahdaa Isaaq Maxamed Riino wuxuna marayay xiliga lala eegtay Degmada Xamarwayne ee Gobalka Banaadir.
Ciidamo dowladda ka tirsan ayaa goobta gaaray waxana ay bilaabeen baaritaan xoogan.
Qof rayid ah ayaa ku dhaawacmay qaraxa miino oo aan la aqoon ilaa iyo hada cida ka danbaysa.
Dilka Xildhibaankan ayaa kusoo aadaya xili magalada Muqdisho uu ka socda shir ammaanka dalka looga h adlayo.
Puntlandpost.com