Quantcast
Channel: News – Puntlandpost.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Taliyaha ciidanka PL iyo wafdiga uu horkacyo oo Muqdisho maanta u duulay

$
0
0

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa maanta u duulay magalada Muqdisho si ay uga qayb gallaan shirka Amniga dalka looga hadlayo oo Muqdisho maanta ka furmay.

JAqanaf_1Maxamed Siciid ayaa waxaa ku weheliya socdaalkiisa Muqdisho ilaa toban xubnood oo ka kala socda,Taliska Darawiishta,Hay’adda Miino-baarista,Hay’adda PIA iyo wasaradda Amniga.

Wararka aanu ka helayno magalada Garowe ayaa sheegaya Muqdisho inuu aadi lahaa madaxwayne ku xigeenka Puntland balse uu ka baaqsaday maadama uu wali go’an yahay xiriirka wada shaqaynta labada dhinac.

Xiriir aanu la samaynay wafdiga Puntland ka tagay ee Muqdisho gaaray ayaa waxaa noo suurta gashay inay wax badan ka ogaano socdaalkooda,waxayna noo sheegeen qaar ka mid ah wafdiga in ay ka qayb gallayaan shirka Amniga dalka looga hadlayo maadama uu yahay mid guud ahaan gobaladda taabanaya.

Puntland iyo dowladda Xasan Shiih Maxamuud hoggaaminayo ayaa waxaa jira wada shaqayn la’aan u dhaxaysa maadama uu wali go’an yahay cilaaqaadka u dhaxeeya DF iyo PL.

Xigasho-Puntlandtoday.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1543

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>