Wararka laga helayo Gobalka Galgaduud ee bartamaha Somalia ayaa sheegaya in kooxda Alshabab ay isaga baxday degmada Ceelbuur oo ka mid ah meelihii ay Gobalka Galgaduud kaga xooganaayeen.
Saakadii hore ayaa la sheegayaa ciidanka Huwanta ah ee ka kooban ciidanka DF iyo Itoobiya inuu dagaal ku dhexmaray kooxda Alshabeeb galbeedka Degmada Ceelbuur dagaalkaasi oo aan la ogayn khasaaraha uu gaystay inta uu leeg yahay.
Qoysas faro badan ayaa ka barakacay magalada Ceelbuur kuwaasoo u aanaynaya dhibaato kaga timaada dagaalka ciidanka iyo Alshabab u dhaxeeya,waxana Ceelbuur gudaha hadda usoo galay ciidanka isku dhafay oo durbadiiba bilaabay howlgalo kala duwan.
Waa degmadii tobnaad oo kooxda alshabab laga qabto mudo ku dhow labo bilood iyadoona awooda kooxda alshabab ay wiiqantay hase yeeshe dadka ayaa siyaabo kala duwan u hadal haya sababta ay alshabab isla markiiba degmooyinka uga cararayaan.
Dowladda Somalia ayaa loogu baaqay inay mamulo deg deg ah u samayso meelaha Alshabab laga xoreeyay si aysan dhibaato iyo mar danbe kooxdu ugu soo laaban.
Puntlandpost.com